Xogta weerar lagu laayey Al-Shabaab oo macawiisleyda Hiiraan ay ka fuliyeen Aadan-yabaal

Moqokori (Bargaan News) – Ciidamada Deegaanka Mabaax oo hoos taga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan ayaa weerar qorsheysan Xaley Maqribkii ku qaaday Ciidama Al-shabaab ah oo isugu soo uruuray aagga degmada Aadan-yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana halkaas ka dhacay dagaal culus oo khasaare badan lagu gaarsiiyey Al-shabaab.

Saraakiisha hoggaamineysa howlgalka ayaa  sheegay in Al-shabaab badan ay ku dileen howlgalka oo sidii loo qorsheeyey u dhacay, isla markaana ay ku guuleysteen inay ka hortagaan dhagartii cadowgu ay halkaas kasoo maleegayeen sida ay hadalka u dhigeen.

Waxaa socota qiimeynta khasaaraha gaaray dhinacyada kasoo gaaray  howlgalkaasi ka dhacay inta u dhaxeysa Mabaax iyo Aadan-yabaal, waxaana la sheegey in meydad badan ay yaallaan goobta.

Deegaanka ay duulaanka ka soo qaadeen difaacana uga jiraan  macawiisleyda reer Hiiraan ayaa 6 ilaa 10 KM u jira degmada Aadan-yabaal oo Arbacadii lasoo dhaafay ay dagaal qaraar kula wareegtay  Al-Shabaab.

Ciidamada Xoogga Dalka ee ku jabay dagaalkii Aadan-yabaal ayaa ku baxay wadada aadda degmada Guriceel, iyagoo ka wareegay Mudug si ay u soo maraan xeebta ee waqooyi uga soo galaan caasimadda Muqdisho.

Ciidamadii deegaanka ee reer Hiiraan ayaa weli difaac uga jira aaggii ay labo sano ka hor ka xoreysteen  Al-Shabaab, waxayna caawa fuliyeen weerar ka hor tag ah oo khasaare badan ay ku gaarsiiyeen  Al-Shabaab.

Waqtiga uu howlgalkaan dhacay oo habeen ah iyo isgaarsiinta oo adag ayaa saamixi waayey in xog rasmi ah laga helo khasaaraha caawa la gaarsiiyey Al-Shabaab, balse saraakiisha iyo ciidamada deegaanka ayaa sheegay inay indhahooda ku soo arkeen meydad badan oo ay hub ka soo furteen.

Scroll to Top