Muqdisho (Bargaan News) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta dowladda Masar kala wareegtay agab ciidan oo ay Muqdisho soo gaarsiiyeen wafdi sare oo ka socday Qaahira.
Wafdigan oo uu hoggaaminayo Axmed Cali Towfiiq Ibraahim Lutfi, Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Gudaha Masar, ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, halkaas oo ay kusoo dhoweeyeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.
Munaasabad kooban oo lagu wareejinayay agabka ciidanka ay ku deeqday Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Masar ayaa ka dhacday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Gudaha Masar oo halkaasi ka hadlay ayaa ka mahadceliyay soo dhoweynta mas’uuliyiinta dowladda, wuxuuna sheegay in ujeedka imaanshihiisu uu qeyb ka yahay xoojinta amniga iyo la-dagaallanka argagixisada, taasoo muujineysa aragtida Madaxweynaha Masar.
Wuxuu xusay in dowladda Masar qeyb weyn ka qaadatay tayeynta iyo tababaridda saraakiisha ciidamada xoogga dalka, isagoo tilmaamay in wejiga koowaad ee tababarada la siiyay 100 ka mid ah saraakiisha ciidamada Soomaaliya.
Sidoo kale, waxa ay Masar bixisay 40 ka mid ah koorsooyinka la siiyay ciidamada booliiska. Kaaliye Axmed ayaa intaa ku daray in uu jiro wejiga labaad oo la qorsheynayo in tababarayaal Masaari ah loo soo diro dalka si ay uga qeyb qaataan howlaha lagu ballaarinayo tababarka ciidanka Soomaaliyeed oo la gaarsiinayo ilaa 200.