Maldives oo dalkeeda ka mamnuucday Israa’iiliyiinta dagaalka Gaza darteed

Maldives ayaa badashay sharcigeeda socdaalka si ay u mamnuucdo soo galida dadka haysta baasaboorka Israel iyagoo ka cabanaya dagaalka Gaza.

Dowladda Maldives ayaa Talaadadii ku dhawaaqday in ay mamnuucday muwaadiniinta u dhashay Israa’iil in ay galaan jasiiradaha Koonfurta Aasiya, sababo la xiriira dagaalka Israa’iil ay kula jirto Xamaas ee Gaza.

Go’aankan ayaa ku saabsan “is-garab-taag dhab ah” oo lala yeesho shacabka Falastiin, xafiiska madaxweyne Maxamed Muizzu ayaa lagu yiri bayaan.

Shalay Talaadadii, Golaha Shacabka – baarlamaanka jasiiradda ayaa meel mariyay wax ka beddel lagu sameeyay sharciga socdaalka ee Maldives, oo mamnuucaya gelitaanka dadka haysta baasaboorka Israa’iil.

Madaxweyne Muizzu wuxuu ansixiyay wax ka bedelka wax yar ka dib. Hoggaamiyaha ayaa cadaadis kala kulmayay xulafada dowladda iyo xisbiyada mucaaradka si uu usoo rogo hadal uu ku dhaleeceynayo dagaalka Gaza.

Maldives iyo Israa’iil ma laha xiriir dublamaasiyadeed oo buuxa, laakiin Israa’iiliyiintu waxay awoodeen inay booqdaan goobta caanka ah ee loo dalxiis tago ee loo yaqaanno biyaha turquoise-ka iyo jasiiradaha raaxada.

Jaziiraddan oo ay diinta Islaamka tahay diinta Qaranka, ayaa horraantii sagaashamaadkii ka noqday mamnuuciddii hore ee dalxiisayaasha Israa’iil, waxaanay muddo kooban isku dayeen inay xidhiidhkooda soo celiyaan sannadkii 2010-kii.

Sannadkii hore, Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Israa’iil waxay kula talisay muwaadiniinteeda inay ka fogaadaan inay u safraan Maldives.

Kaliya 59 dalxiisayaal Israel ah ayaa booqday Maldives bishii Febraayo iyaga oo ka mid ah 214-kun oo kale oo ajnabi ah, sida laga soo xigtay dowlada.

 

Scroll to Top