Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay kulan deg deg ah isugu yeeray madaxda dowlad goboleedyada Galmudug, HirShabeelle iyo Koonfur Galbeed, waxaana laga wadahadlay xaaladda dalka.
Madaxweynaha oo maalmahaan waday la tashiyo ayaa madaxdaan kala hadlay labo arrin oo muhiim ah, kuwaas oo kala ah:
1 – Dagaalka Al-Shabaab oo adkaaday. 2 – La-tashiyadii siyaasadeed ee qaabka loo dhigayo gogosha uu ku dhawaaqay Madaxweyne Xasan Sheekh.
Cali Guudlaawe iyo Laftagareen ayaa ka warbixiyey dagaaladii ka dhacay duleedka Baydhaba iyo Aadan-yabaal, waxaana la bogaadiyey dagaalka ciidamada qaranka ay dalka uga xoreynayaan Khawaarijta.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa madaxda dowlad goboleedyada kala tashaday gogosha uu ku dhawaaqay inuu u fidinayo saamileyda siyaasadda iyo ururrada bulshada rayidka.
Xaaladda amni ee dalka ayaa cirka isku sii shareereysa maalinba maalinta ka dambeysa, waxaana saacadihii lasoo dhaafay soo baxay warar sheegaya in is-baddel lagu sameynayo madaxda hay’adaha amniga.
Mahad Salaad ayaa la sheegay in dib loogu soo celinayo hay’adda NISA, Taliska Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka ayaa sidoo kale la sheegay in isbedel lagu sameynayo maalmaha soo socda, si wax looga bedelo dagaalka Al-Shabaab oo u muuqda mid guul darooyin is xigxiga ay kala kulmeen ciidamada dowladda.