Isku shaandheyn lagu sameynayo xukuumadda Xamza – Yaa la baddelayaa?

Muqdisho (Bargaan News) – Xukuumadda Soomaaliya ayaa qorsheyneysa isku shaandheyn cusub oo lagu sameynayo qaar kamid ah Golaha Wasiirrada, taasi oo saameyn doonta wasaarado ay kamid yihiin Gaashaandhigga iyo Arrimaha Dibadda.

Ilo ku dhow dhow Madaxtooyada ayaa xaqiijinaya in isku shaandheyntan oo ah mid kooban ay saameyn doonto wasaaradahaan oo muhiim u ah isbedelka ay qorsheynayso DF.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Macalin Fiqi ayaa la filayaa in loo wareejiyo xilka Wasiirka Gaashaandhigga.