Hooyo Cadar oo ka mid noqotay maxaabiista ay sii deysay SSC-Khaatumo

Laascaanood (Bargaan News) – Maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo ayaa Shalay oo Talaado ah sii daayay 25 maxaabiis ah oo ay ku qabteen dagaalladii ay horay ula galeen Somaliland. Khaatumo ayaa maxaabiistaan ku wareejisay Ra’iisul wasaare Xamza oo booqasho laba casho ah ku tegay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Maxaabiistan la sii daayay ayaa la sheegay inay ku sugan yihiin duruufo gaar ah, sidaas darteedna loo baahday in loo celiyo qoysaskooda.

Sida ay xaqiijisay Fahiimo Yuusuf Qooje oo reer Laascaanood ah waxaa kamid noqotay maxaabiista la sii daayay Hooyo Cadar oo lagu qabtay dagaalkii Goojacadde ee looga adkaaday ciidamada Somaliland, taas oo hadda dib ula midoobeyso carruurteeda.

“Cadar oo ahayd hooyo lagu qabtay dagaalki Goojacadde 25 Ogost ayaa kamida maxaabiista lasii daayay waan uga mahadcelinayaa maamulka SSC-khaatumo siidaynta hooyo Cadar sigaara waxaan mudnaanta usiinaya Raysal Wasaare Sayid Hamza Abdi Barre” ayay tiri .

Sidoo kale waxa ay sii raacisay “Hooyo Cadar mudaday xidh nayd ba anigu waxaan cod dheer kulahaa siidaaya Cadar waa hooyo waayeela xarigeedu waxba inoo soo kordhin maaye”.

Arrintan ayaa ku timid wada-tashi lala yeeshay golayaasha dhaqanka iyo hoggaanka maamulka SSC-Khaatumo, kadib booqashadii uu ugu tegay Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre oo sidoo kale ku dhowaaqay aqoonsiga dowlad goboleedkaas.

Scroll to Top