Muqdisho (Bargaan News) – Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (NCA) ayaa Axadda maanta ah si rasmi ah u siisay shirkadda Starlink ee uu leeyahay Elon Musk ruqsad isgaarsiineed, taasoo u oggolaaneysa in ay ka hawlgasho gudaha Soomaaliya.
Munaasabadda guddoonsiinta ruqsadda oo ka dhacday caasimadda Muqdisho waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka iyo wakiillo ka socday shirkadda Starlink.
Shirkadda waxaa munaasabadda ku matalay Ryan Goodnight, Agaasimaha Sare ee Suuqa Starlink, iyo Micaela Pawlak, Maareeyaha Gelitaanka Suuqa. Labada mas’uul ayaa caddeeyay in adeegga internet-ka ee ay bixiso shirkaddu uu dhowaan ka billaaban doono guud ahaan dalka.
Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Mustafa Yaasin Sheekh, oo munaasabadda ka hadlay, ayaa sheegay in soo-gelitaanka Starlink uu wax weyn ka tari doono dadaallada lagu ballaarinayo adeegga internet-ka ee dalka.
“Waxaan rajeynaynaa in adeeggan uu si gaar ah u anfici doono shacabka Soomaaliyeed, ganacsatada, iyo hay’adaha dowladda ee ku sugan meelaha ka baxsan magaalooyinka waaweyn, halkaas oo adeegga internet-ku xaddidan yahay,” ayuu yiri Maareeyaha.
Dhankiisa, Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda, Maxamed Aadan Macallin, oo isna goobta ka hadlay, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay si weyn u soo dhoweyneyso imaanshaha Starlink.