Dagaalka ganacsi ee Maraykanka iyo Shiinaha oo sii adkaanaya.

Dagaalka ganacsi ee u dhaxeeya Shiinaha iyo Mareykanka ayaa sii xoogeysanaya, iyadoo dadka indha indheeya ay u jeesteen canshuuraha aargoosiga ah ee uu dal kastaa ku soo rogayo dalka kale.

Laakiin canshuuraha aargoosiga ah maaha hubka kaliya ee Beijing ay u adeegsaneyso dagaalkaas; Shiinaha ayaa xayiraad ku soo rogay dhoofinta tiro badan oo macdanta dhulka ah oo dhif iyo naadirka ah, taasoo dadka qaar ay u arkaan dharbaaxo weyn oo ku wajahan Mareykanka.

Tallaabadan ayaa daaha ka qaaday heerka ay gaarsiisan tahay ku tiirsanaanta Mareykanka ee macdantan, wuxuuna madaxweyne Donald Trump ku amray waaxda ganacsiga inay ka shaqeyso sidii loo horumarin lahaa habab lagu taageerayo wax soo saarka Mareykanka ee dhulalka dhifka ah iyo in la yareeyo ku tiirsanaanta alaabada la soo dhoofiyo— dadaal ay Washington ku dooneyso inay dib u soo nooleyso qeybtan muhiimka ah.

Laakiin waa maxay muhiimada ay leeyihiin macdantan dhifka ah ee dhulka? Waa maxay sababta ay saamayntan oo kale ku leedahay dagaalkan ganacsi?

 

Scroll to Top