Vinicius Junior Oo Ogolaatay In Uu Heshiis Cusub U Saxiixo Real Madrid

Vinicius Junior ayaa qarka u saaran inuu sii ahaado ciyaaryahan Real Madrid ah mustaqbalka dhow, iyadoo heshiis kordhintiisa uu dhow yahay.

Laacibka reer Brazil ayaa waxaa si weyn u doonayey Sacuudi Carabiya tan iyo xagaagii hore, laakiin waxa uu qarka u saaran yahay inuu iska diido fursad uu ku helo €1b.

Xagaagii hore Saudi Arabia ayaa wadahadalo la furtay Vinicius, wuxuuna go’aansaday inuu dib u dhigo wada hadalada qandaraas kordhinta ee Real Madrid ilaa uu ka dhamaanayo Ballon d’Or.

Wadahadallada Sacuudiga ayaa socday bishii December, bishii February, Vinicius wuxuu si fool ka fool ah ula kulmay saraakiisha Sacuudiga magaalada Prague, sida la sheegay.

 

 

Xiddiga weerarka ka ciyaara ayaa la soo bandhigay Heshiis 5 sano ah oo uu ku qaadanayo 200 milyan euro xilli ciyaareedkii, laakiin kuma qancin in uu heshiis wakhti dheer ah u saxiixo Saudi Arabia kaas oo loo arkayay in ay muhiim u yihiin.

Ka dib markii uu tixgeliyey dalabkooda, Vinicius wuxuu wadahadal la galay Real Madrid, kuwaas oo sida laga soo xigtay Cadena SER, had iyo jeer ahaa mudnaanta Vinicius.

Waxa uu haatan go’aansaday inuu sii joogo Santiago Bernabeu, waxaana uu qandaraaskiisa u kordhin doonaa ilaa 2029 ama 2030, heshiiskaas oo lagu dhawaaqi doono xagaaga.

Marca, oo sheegtay in heshiisku uu dhow yahay, ka dib xiriiro todobaadkii la soo dhaafay dhexmaray labada dhinac.

Scroll to Top