Imaaraadka oo u yeeray Laftagareen, kalana hadlaya labo qodob oo xasaasi ah

 (Bargaan News) – Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa la sheegay inuu safar qarsoodi ah ku tegay magaalada Abu Dubai ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, waxaana safarkiisa ka soo baxaya  xogo xasaasi ah.

Laftagareen oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa Muqdisho, kulamo xasaasi ahna la yeeshay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo madaxda kale ee dowlad goboleedyada ayaa saaxiibadiis u sheegay inuu u safarayo Nairobi Kenya, balse wuxuu uga sii gudbay Imaaraadka.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa Abu Dubai kula kulmaya madaxda ugu sareysa Imaaraadka, isagoo kala hadli doona arrimo faragelin ku ah  qorshayaasha dowladda federaalka Soomaaliya.

Imaaraadka ayaa diidan tallaabooyin ay qaaday dowladda federaalka Soomaaliya, gaar ahaan heshiisyo ay la gashay Turkiga, Masar iyo dagaalka Al-Shabaab oo Xasan Sheekh uu muhiimad gaar ah siinayo.

Sidoo kale, Imaaraadka ayaa saldhig u ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee mucaaradka ku ah dhaqdhaqaaqa dowladda federaalka, waxaana marar badan Xasan Sheekh lagula taliyey in dalka uu ka ceyriyo diblomaasiyiinta Imaaraadka oo lagu eedeeyey inay diidan yihiin inay ixtiraamaan qaranimada Soomaaliya.

Siyaasiyiin xog ogaal ah oo u waramay Caasimada Online, ayaa sheegay in Imaaraadka oo u yeeray Laftagareen ay kala hadlayaan labo qodob oo kala ah:

Scroll to Top