Khaliif C/Qaadir Mucallim Nuur oo ٍShaleytoole ku dhawaaqay inuu yahay musharax Madaxweyne

MUQDISHO (Bargaan News) –Khaliif C/Qaadir Mucallim Nuur oo xilal dhowr ah ka soo qabtay Dowladihii ugu danbeeyay ee dalka soo maray ayaa maanta xamar kaga dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya.
Khaliifka oo ay xigto dhows yihiin  Madaxweynaha ayaa waxaa dhalay mid ka mida culumaa’udiinka ugu caansan Soomaaliya Macalin Nuur Maxamed Siyaad.
Boqolaal dad ah ayaa soo camirey munaasabada uu maanta uga dhawaaqay inuu yahay musharax madaxweyne iyadoo khud-booyinka  laga soo jeediyay.
Isla munaasabada waxaa  Khaliifka loogu doortay Gudoomiyaha xisbi ama Urur siyaasadeed la magac baxay Samadoon  kaasoo uu kaga qeybgeli doono doorashooyinka madaama xisbiyo laga dhigay doorashada soo socota.
Xilalka uu soo qabtay waxaa ka mid ah Xildhibaan,Wasiir iyo Safiir oo uu hadaba yahay.
Scroll to Top