Muqdisho (Bargaan News) – Faah-faahinno kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal qaraar oo xalay ciidamada dowladda iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab ku dhex-maray deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho.
Dagaalka ayaa yimid, kadib markii xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku bilowday qaraxyo ku qaadeen fariisimo ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo kuwa NISA ay ku leeyihiin halkaasi, waxaana kadib xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyay labada dhinac.
Wararka ayaa sheegaya in iska hor imaadka oo muddo socday la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan waxaana jiro khasaare, balse ma cadda inta uu la’egyahay.
Xaaladda ayaa saaka deggan, waxaana qaybo kamid ah deegaanka Ceelasha Biyaha oo dhaca waddada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye haatan howlgal ka wada ciidanka amniga.
Weerarka xalay ka dhacay Ceelasha Biyaha ayaa sidoo kale kusoo aadayo, xilli maalmihii u dambeeyay ay kooxda Al-Shabaab halkaasi ka bilowday dhaq-dhaqaaqyo culus, kadib markii lagu arkay dagaalyahannadeeda oo soo galay xaafado ka tirsan deegaankaasi.
Sidoo kale waxa ay horay u demiyeen layrarkii ku xirnaa jidadka waaweyn ee deegaanka, iyadoo xilligaas dadku sheegayeen in aysan la kulmin wax iska caabin ah.