Daawo: DF oo tallaabo ka qaadeysa wakiilka Midowga Afrika ‘oo taageeray’ Shabaab

Muqdisho (Bargaan News) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa shaaciyey in dowladda Soomaaliya ay Go’aan adag ka gaari doonto sii joogitaanka dalka ee sii-hayaha madaxda howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), kaas oo uu ku eedeeyey inuu yahay ‘taageere Al-Shabaab.’

Wuxuu sheegay in ninkaas uu caalamka u diray warbixino muujinaya inuu taageerayo Al-Shabaab, isagoo cadeeyey in mowqifka dowladda ee kiiskan ninkaan ku aadan uu yahay mid adag.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa kamid ah fagaarayaasha uu ka jeeriyey ninkaas warbixino uu ku sheegay in Shabaab ay dowladnimo rabaan oo ay joojiyeen dilka shacabka iyo waxyaabo badan oo dhaqanka argagixisada ah.

“Ninka siihayaha howlgalka AUSSOM ah, muddo dheer ayaa si hoose loogu xaman jiray, laakiin hadda waxaa muuqata inuu is qari waayey, anaga muddo ayaan ka aamusneyn, qof taageere Al-Shabaab ah ayuu noqday, qof xaasid ku ah horumarka Soomaaliya ayuu noqday,” ayuu yiri Fiqi.

Wasiirka ayaa sheegay in maalin kasta uu ninkaasi bixiyo warbixino qariban oo Soomaaliya ka dhigaya mid guul dareysatay, sidoo kale wuxuu sheegay in naceyb badan uu u qabo ciidamada qaranka iyo macawiisleyda la dagaalameysa Al-Shabaab.

Scroll to Top