Xamaas waxa ay muujinaysaa rabitaankeeda ah in ay bilaabaan wada xaajoodyo dhamaystiran oo qayb ka ah heshiiska lagu soo afjarayo dagaalka Marinka Gaza.

Khaliil al-Hayya, oo ah madaxa dhaqdhaqaaqa iska caabinta Islaamiga ah ee Xamaas ee Gaza, ayaa sheegay fiidnimadii Khamiista in xarakadu ay diyaar u tahay inay si degdeg ah uga wada xaajoodaan heshiis ay ku beddelanayaan dhammaan la haystayaasha tiro la isku raacsan yahay oo maxaabiis falastiiniyiin ah oo ay haysato Israa’iil, taasoo qayb ka ah heshiiska lagu soo afjarayo dagaalka Marinka.

Al-Hayya, oo sidoo kale ah madaxa ergada gorgortanka, ayaa intaa ku daray in xarakadu ay diyaar u tahay “in ay si degdeg ah u bilaabato wada xaajood  dhameystiran, kaas oo dhammaan maxaabiista lagu qabtay iska caabbinta iyo tirada la isku raacsan yahay ee maxaabiista Falastiiniyiinta ee ku jira xabsiyada la isku bedelati, taas oo lagu beddelayo joojinta gebi ahaanba dagaalka ka dhanka ah dadkeena, in si buuxda looga baxo, iyo in la joojiyo dib-u-dhiska Gaza.”

Isagoo khudbad ku jeediyay si muuqaal ah ayuu ku sheegay in xarakadu ay diidayso heshiis kasta oo ku meel gaar ah, isagoo yiri, “Heshiiska qayb ka mid ah waxaa adeegsada Netanyahu iyo dowladdiisa si ay ugu gabadaan ajandihiisa siyaasadeed ee ku saleysan sii wadida dagaalka xasuuqa iyo gaajada, xitaa haddii qiimihiisu yahay hurida dhammaan maxaabiistiisa, qeybna kama noqon doono hirgelinta siyaasaddan.”

Dhanka kale Amiirka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani ayaa Khamiistii xaqiijiyay in dalkiisa, oo ah dhexdhexaadiyaha ugu weyn ee wada xaajoodka lagu soo afjarayo dagaalka Gaza, uu doonayo inuu “isku keeno fikradaha si loo gaaro heshiis soo afjaraya dhibaatada dadka reer Falastiin.”

Intii uu ku guda jiray kulankii uu Moscow kula yeeshay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, waxa uu sheegay in Israa’iil “aysan u hoggaansamin” heshiiskii xabbad joojinta ee Qaza ee dhaqan galay bishii Janaayo.

 

 

Scroll to Top