Dagaal culus oo dib uga qarxay degmada Aadan Yabaal

Aadan Yabaal (Bargaan News) – Wararka laga helayo gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in goordhow dagaal culus uu dib uga qarxay gudaha degmada Aadan Yabaal ee gobolkaasi oo ay shalay la wareegaan maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

Dagaalka haddda socda ayaa yimid, kadib markii ciidamada dowladda iyo kuwa xaq-u-dirirka deegaanka ay saddex jiho ka weerareen degmada, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo xilkas ah.

Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa lagu soo warramayaa inuu hoggaaminayo dagaalka haatan socdo, isaga oo tan iyo shalay abaabul xooggan oo ka dhan ah Al-Shabaab ka waday gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in dagaal xoogleh uu socdo, kaas oo u dhexeeyo labada dhinac, waxaana la’isku adeegsanayaa hubka noocyadiisa kala duwan.

Ujeedka ugu wayn ee Milatariga Soomaaliya iyo Macawiisleyda ayaa ah inay Al-Shabaab ka saaraan, Aadan Yabaal, ayna dib ugu laabtaan fariisimihii ay ku lahaayeen gudaha degmadaasi.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana si dhammeystiran loo heli karin xog rasmi ah oo ku aadan dagaalka, maadaama uu adag yaay khadka isgaarsiinta ee Aadan Yabaal.

Scroll to Top