Dowladda Soomaaliya oo Go’doomisey shacabka laba degmo oo kamid ah dhulka soomaaliya.

Muqdisho (Bargaan News)– Dowladda Federaaka Soomaaliya ayaa Xayiraad dhamaystiran saartey Shacabka ku nool degmooyinka Ceelbuur iyo Galgahareeri, xilli ay jirto Abaar sidoo kalena ay socdaan dagaallo lagula jiro Ururka Alshabaab oo isagu ka taliya labadaasi degmo, si lamid ah goballada Bay, Bakool, Gedo, Jubada Hoose, Jubada dhexe iyo meelo kale.

 

Dowladdu waxay qaadatay go’aan aad u qalafsan oo saameyn buuxda ku yeeshay dadka iyo duunyada ku dhaqan labada degmo iyadoo ay horey u jirtay in laga mamnuucay waxyaabaha sida Buskutka, Timirta, Caanabooraha, Shidaalka IWM xilli ay tahay bil Ramadaan oo aad loogu baahi qabay noocyadaasi raashinka ah iyadoo ku sababeysay dowladdu in ay kafaa’iideysanayaan Alshabaab.

 

Hadaba arrinta isweydiinta leh ayaa ah Shabaab waxay joogaan Gobollo farabadan ee maxaa kalifey in si gaar ah loo xayiri labadan degmo oo kaliya isusocodkooda, iyadoo aan ognahay in Ururka Alshabaab lagula dagaalamayo degaanno badan, waxaana lagu sifeyn karaa oo kaliya arrintaasi dowladda oo ka’aarsaneysa beel-ahaan Beesha degta labada degmo ee Ceelbuur iyo Galhareeri.

 

Arrinta soo korortay hadda ayaa ah in Dowladdu ay hadda joojisay si rasmi ah dhamaan gaadiidkii yaryar iyo waaweynba ee gelayay labada degmo, sidoo kalena lamamnuucey in ay u gudbaan wax raashin  iyo daawo ah habayaraadaane, waxaana saaka nasoo gaartey in Ruux haween ah oo xanuusatay gaadiid ayaan loosaarey Rati, ayna ku qaadatay in ay tagto goob caafimaad mudda 48 saacadood ah, halka ay marka ay caadi tahay lagu gaarsiinkaray 2 saacadood oo kaliya, waxaana halkaasi laga dareemi karaa dayaca ay bulshada degaanku ku sugan tahay.

 

Dhanka kale Xildhibaannada metela labada degmo ee laga mamnuucay dhamaan Nolosha bulshada ayaa waxaan jiri cid kamid ah oo kahadashay arrintaasi, iyadoo ay bulshadu uga fadhiday in ay kadoodaan beegsiya ay dowladdu kula dhaqmeyso Shacabka labada degmo ee ku sugan xaaladda foosha xun.

 

Sikastaba ha ahaatee waxaa lagama maarmaan ah in bulshada degaanku hesho il nololeed ay ku badbaadiyaan naftooda, maadaama ay heysato dhibaatada ay sababtay Dowladda ay hoggaamiyaan manaxayaasha ku shaqeynaya amaba dagaalka beeleysan kula jira Alshabaab

 

 

Scroll to Top