Roob lagu qabowsaday ayaa xaley ka da’ay Muqdisho.

Muqdisho (Bargaan News) Habeennimadii Xalay ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka da’ay roob lagu qabowsadey kaasi oo haba kala badnaadeen magaalada oo dhan wada ekeeyey, iyadoo ay maalmaha dadka reer muqdisha dareemayeen kuleyl farabadan oo mararka qaar dhaafayay 34c, waxayna bulshadu wax badan u baahi qabtey roobkani.

Sidoo kale magaalada oo laciireysa barakacayaal ayaa waxaan jirin adeegyada dadweyne ee ay bulsho u baahantahay, waxayna arrintaasi sii xoojisey in ay dadku dareemaan abaarta iyo nuqsaanta miraha dalka ee kajira Muqdisho iyo nawaaxigeeda.

Sikasta oo ay tahay boobabka hadda dalka ka bilowdey ayaa ah kuwo ay bushadu sugeysay lana mahadin doono iyadoo ay dadka isugu darsaneyn abaar guud oo dhanka roobabka ah iyo mid katimid amaba uu sababay maamulka hadda dalka kajira oo aan ahayn maamul ka shaqeeya dadka danahooda.

Scroll to Top