Xabsiga Dhexe ee Xamar oo ay buux-dhaafiyeen maxaabiis aan weli maxkamad lageynin…

Muqdisho (Bargaan News) Xabsiga dhexe Xamar ayaa waxaa buux-dhaafiyey maxaabiis aan xakun lagu ridin islamarkaana aan weli lahorgeynin lana dhegeysanin dacwaddooda, iyadoo uu xabsigu xilligan kujiro wakhtigii uu ugu darnaa dhanka Cimilada.

Dadweynaha ayaa ku macneeyey buuxdhaafka ka jira xabsiga dhexe in ay sababtay iyadoo aanay garsoorka dalku u shaqeynin islamarkaana aanay u dhisneyn sidii ay u gudan lahaayeen ee loogu diyaariyey sharci ahaan iyo dad ahaan intaba.

waxaa kale oo jirta in ay shaqadoodii gabeen mas’uuliyiinta uu sharcigu dhigayo in ay baaris iyo raad-raac ku sameeyaan Xabsiyada Dalka iyo maxaabiista ku xiran, kuwaasi oo aad moodo in aanay ogeyn mas’uuliyadooda, sida Wasaaradda Garsoorka, Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka gobolka Banadir.

si kasta oo ay ahaato waxaa lagama maarmaan ah in maxkamaddu furaato dadkuna tagaan ciqaab iyo madanina lootago balse waxaa muuqata inaanay si masuuliyad leh u gudanin shaqadooda waayo waxaan jirin cid la xisaabtanta garsoorka dalka, xili la laalay Golihii adeegga garsoorka oo la xisaabtan iyo anshaxmarinba ku lahaa garsoorka dalka.

Scroll to Top