Muqdisho (Bargaan News) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre oo uu wehliyo hoggaamiyaha maamulka SSC-Khaatumo, Cabdulqaadir Aw-Cali (Firdhiye) ayaa dhagax dhigay Mashaariic horumarineed oo laga hirgalinayo gobolka Sool.
Mashaariicda uu Ra’iisul Wasaaraha dhagax dhigay, waxaa ka mid ah dhismaha garoon diyaaradeed casri ah oo yeelaneyso magaalada Laascaanood iyo mashruuc koronto lagu galinayo 45 xarumood oo isugu jira xarumo waxbarasho iyo caafimaad, kuwaas oo bulshada deegaanku ay baahi weyn u qabeen.
Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa sheegay in xukuumadda Dan-Qaran ay ka go’an tahay in deegaannada maamulka SSC-Khaatumo ay ka hirgaliso mashaariic waaweyn oo lagu hormarinayo adeegyada bulshada.