Muqdisho (Bargaan News) – Kulankii Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta loo balansanaa ayaa baaqday, kaasi oo qeyb ka ahaa kulamada caadiga ah ee Golaha.
Kulanka maanta baaqday ayaa noqon lahaa kii ugu horreeyay ee ay yeeshaan xildhibaannada Golaha Shacabka tan iyo markii ay galeen fasax gaaban oo la xiriiray maalmaha ciidda. Fasaxa kadib, waxaa laga sugayay in Golaha si rasmi ah ugu laabtaan howlaha shaqo.
Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka ayaa kulankoodii Khamiistii ku go’aamiyay in dib loo bilaabo kulamada Golaha laga bilaabo maanta oo Isniin ah. Go’aankaas kadib, waxaa la filayay in xildhibaanadu isugu yimaadaan kulan muhiim ah, balse ugu dambeyn wuu baaqday.