BARGAAN

Bargaan.Mar walba.Meel kasta
 

 

Ciidamada dowladda KMG oo howlgalo ka wada Magaalada Muqdisho.

Muqdisho.BM.Ciidamada dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa howlgalo baritaano ah saaka ka wadaan degmooyinka Dharkenley, Wadajir, Xamar jajab iyo wadada dabka ee Magaalada Muqdisho halkaasi oo gaadiidka BL-ka iyo kuwa kale ee yar yarka raaxada ah ku baarayaan.

Ciidamada dowladda KMG oo si aad ah u hubaysan ayaa lagu arkayaa wadooyinka laamiga degmooyinkaasi, waxayna ciidamada gaadiidka BL-ka qaarkiis kala dageen dhalinyaro u muuqdeen qaab fara muuq ah looga dajiyey gaadiidkaasi.

Taliska Ciidamada dowladda KMG kama hadlin howlgalada saaka Ciidamada dowladda KMG ka wadaan qeybo ka mid ah degmooyinka Magaalada muqdisho oo habeenadii ugu danbeeyey qaraxyo loo dhigay ciidamada dowladda KMG ee soomaaliya.

Ugu danbeyntii howlgaladan waxay qeyb ka noqonayaan howlgalo xariir ah ciidamada dowladda KMG ka sameeyaan degmooyinka ay kaga sugan yihiin Muqdisho.

Xafiiska bargaan.com ee Magaalada Muqdisho.

contactbargaan@yahoo.ca

- - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.