BARGAAN

Bargaan.Mar walba.Meel kasta
 

 

Qasaaraha ka dhashay madaafiic Magaalada Muqdisho la isku dhaafsaday oo sii kordhaysa.

Muqdisho.BM.Waxaa sii kordhaya qasaaraha ka dhashay madaafiic xalay la isku dhaafsaday qeybo ka mid ah casimada Magaalada Muqdisho gaar ahaan Degmooyinka Kaaraan, Boondheere, Wadajir iyo degmooyin kale.

Xariiro aan la samaynay goobaha caafimaadka magaalada Muqdisho waxaa naloo xaqiijiyey in ay sii kordhayaan dhimashada iyo dhaawaca ka dhashay duqeymihii xalay Magaalada Muqdisho ku dhex maray Ciidamada AMISOM iyo Alshabaab.

6 qof oo rayid ah ayay kor u sii dhaafayaan dadkii ku dhintay duqeymihii xalay halka dhaawacyada ay cagaha geliyeen 13 qofood oo rayid ah dhammaantood kuna habsadeen madaafiicda labada dhinac.

Rayidka ugu badan ee wax ku noqday madaafiicdii xalay waxay ka dhaceen degmooyinka Wadajir iyo Kaaraan oo ay Ciidamada AMISOM iyo Xoogaga hubaysan madaafiic isku dhaafsadeen.

Ugu danbeyntii marka laga gudbo qasaaraha sii kordhaya duqeymihii xalay waxaa xaalad daganaasho ah laga soo sheegayaa caasimada Magaalada Muqdisho.

Xafiiska bargaan.com ee Magaalada Muqdisho.

contactbargaan@yahoo.ca

- - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.