Wararkii ugu danbeeyey Magaalada Muqdisho.
Muqdisho.BM.Dagaalo iyo duqeymo culus isla markaana socday muddo 1-saac ku dhawaad ayaa xalay ka dhacay caasimada magaalada Muqdisho oo ay isku hayaan dhinacyada islaamiyiinta iyo dowladda KMG oo garab ka helaya Ciidamada AMISOM.
Degmooyinka Kaaraan, Boondheere, Yaaqshiid iyo meelo kale waxaa si daran doori ah ugu dhacayay Madaafiicda culus oo ay ridayaan Ciidamada AMISOM, sidoo kale xoogaga ka soo horjeeda Ciidamada AMISOM joogitaankooda iyo dowladda KMG waxay madaafiic culus la dhaceen xarunta Madaxtooyada Villa Somalia iyo xarumo kale oo ay ku sugan yihiin Ciidamada AMISOM.
Shacabka Magaalada Muqdisho oo ka quustay in ay hakadaan ama xal laga gaaro dagaalada iyo duqeymaha Magaalada ayaa waxay intooda badan u soo barakaceen deeganada Duleedka Magaalada Muqdisho.
Ganacsiga Magaalada muqdisho saaka waa mid caadi ah in kastoo ay jiraan cabsi iyo wal wal ay muujinayaan dadka rayidka ah ee ku haray degmooyinka Magaalada Muqdisho qaarkiis.
Ugu danbeyntii wararka ugu danbeeyey Magaalada Muqdisho oo aan saaka ka helno waxay sheegayaan in ay socdaan abaabulo ciidan midkii ugu xooganaa kasoo ay wadaan Dhinacyada islaamiyiinta iyo Dowladda KMG oo kooxba kooxda kale doonayso inay ka saarto degmooyinka Gobolka Banaadir.
Xafiiska bargaan.com ee Magaalada Muqdisho.
contactbargaan@yahoo.ca

|