Maxamad Dheere “Faroole Xaq uma lahan inuu dadkeena soo musaafuriyo”.
Muqdisho.BM.Guddoomiyii hore Gobolka Banaadir ahaana duqa magaalada Muqdisho marna soo maray qabqablayaashii dagaal oogayaasha Soomaaliya ayaa si kulul waxa uu cambaarayn ugu jeediyey Madaxweynaha maamulka isku magacaabay Puntland ee maalmahan bilaabay in ay shacabka Soomaaliyeed kala takooraan.
Maxamad Dheere ayaa sheegay in aysan xaq u lahayn hogaanka Maamulka Puntland in ay dadka ka soo jeeda Koonfurta ka soo musaafuriyaan deegaanadooda, laakiin ay xaq u leeyihiin in ay sugtaan amaankooda.
“Faroole Xaq uma lahan inuu dadkeena soo musaafuriyo” ayuu yiri Maxamad Dheere oo intaasi ku daray Amaan darida ka jirta Puntland in ay ka danbeeyaan kooxo leh Afkaarta Alshabaab ee ka dagaalama Koonfurta soomaaliya.
Xafiiska bargaan.com ee Magaalada Muqdisho.
contactbargaan@yahoo.ca

|