Dowladda KMG oo sheegtay in ay sii yaraanayaan xariga Soomaalida Dalka Kenya.
Muqdisho.BM.Safiirka Dowladda KMG u jooga Dalka Kenya Maxamad Ameerico ayaa sheegay in ay yaraadeen xariga Booliska Dalka Kenya ku hayeen dadka Soomaaliyeed ee ku sugan Magaalada Neyroobi ee Dalka Kenya.
Maxamad Cali Ameerica ayaa warkan ka sheegay kullan uu la qaatay Wakiilka gaarka ah Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa sidoo kale waxa uu sheegay dowladda Kenya in ay ka sii daayeen 60 dhalinyaro Soomaali ah oo Ciidamada Booliska howlgaladii ugu danbeeyey ku qabqabteen.
Sidoo kale Safiirka waxa uu shegay in ay xal ka gaareen qaxootiga Soomaalida iyo Suudaan ee ku dagaalamay xerada Xagardheer kadib markii ay kala dhex galeen qaxtooyigii dagaalay ee dilalka iyo dhaawacyada isku geystay.
Ugu danbeyntii Hadaka Safiirka ayaa imaanaya xili soomaalida Dalka Kenya dhibaatooyin kala kulmaan Ciidamada Booliska Dalkaasi
Xafiiska bargaan.com ee Magaalada Muqdisho.
contactbargaan@yahoo.ca

|