Soomaalida ku nool Magaalada Kampala oo ka warbixiyey saamaynta ay ku yeesheen qaraxyadii Kampala.
Muqdisho.BM.Qoysaska Soomaalida ku nool Magaalada Kampala ee Caasimada Dalka Ugandha ayaa ka warbixiyey samaaynta ay ku yeesheen qaraxyadii ka dhacay magaaladaasi, kaasoo mas’uuliyadiisa ay sheegteen Alshabaab.
Jaaliyada Soomaalida waxay sheegeen in ay dareen cabsi leh soo food saartay wixii ka danbeeyey qaraxyadii kampala, lana kulmaan maalin kasta xarig iyo dhibaatooyin kale oo loo sababaynayo qaraxyadaasi.
“Si xor ah uma ganacsano, Waxbarashadii qal qiil bay ka gashay Caruurta dhoofka waa nagu dhib” ayuu yiri Axmed Cali Caadle oo ka mid ah jaaliyadaha Soomaalida Dalka Ugandha.
Ugu danbeyntii lama soo koobi karo saamaynta Soomaalida Ugandha ay ku yeesheen Qaraxyadii ka dhacay Magaalada Kampala ee dalka Ugandha kaasoo sababay dhimashada 75 ka badan iyo dhaawaca 150 ku dhawaad oo rayid ah.
Xafiiska bargaan.com ee Magaalada Muqdisho.
contactbargaan@yahoo.ca

|