BARGAAN

Bargaan.Mar walba.Meel kasta
 

 

Dalxa oo ku baaqay in la joojiyo Dagaalada Muqdisho.

Muqdisho.BM.Wasiirka dhaqan celinta iyo arrimaha Bulshada Prof: Maxamad Cumar Dalxa ayaa ku baaqay in si sharuud la’aan ah loo joojiyo dagaalada dhiiga shacabka ku daadanaya ee maalintii saddexaad sida tooska ah uga socda Caasimada Magaalada Muqdisho.

Dalxa waxa uu sheegay  dagaalada ka socda Magaalada Muqdisho in ay sababeen dhimasho, dhaawac iyo barakac dad shacab ah, isla markaana ay yar yihiin qasaaraha dhinacyada dagaalama dhexdooda ah.

Wasiirka ayaa sheegay haddii dagaalada socda lagu badalo wada hadal uu meesha ka baxayo dhibka shacabka ah, lana hiigsanayo mustaqbal wanaagsan oo ay yeeshaan shacabka soomaaliyeed oo 20 sano ka badan dagaalo iyo barakac ku jiraan.

Ugu danbeyntii dalka waxa uu fariin gaar ah u diray dhinacyada hubaysan isagoona ka codsaday in ay u dhaga nuglaadaan baaqyada xabad joojinta iyo wada hadal ay la galaan Dowladda KMG ee Soomaaliya maadaama sida uu sheegay aysan is hurayn ummada Soomaaliyeed loona baahan yahay in ay aayahooda ka wada hadlaan si ay meesha uga baxaan faragelinta shisheeye.


 

Xafiiska bargaan.com ee Magaalada Muqdisho.

contactbargaan@yahoo.ca

- - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.