Maamulka Puntland oo 900 dad gaaraya ka soo musaafuriyey Magaalooyinka Maamulkaasi.
Muqdisho.BM.Maamulka Puntland waxa uu degaanadaasi ka soo musaafuriyey in ka badan 900 qofood oo ka soo jeeda Gobolada Koonfurta Soomaaliya intooda badan, kadib markii ay shegeen in dadkaasi caqabad ku yihiin amaanka deegaanadaasi.
Bilihii ugu danbeysay magaalooyinka Maamulkaasi waxaa ka dhacay Dilal, Qaraxyo iyo arrimo kale oo amaanka ka soo horjeeda waxayna shegeen Saraakiisha Ciidamada amaanka in ay mas’uulka koowaad arrimahaasi yihiin dadka ka soo jeeda Koonfurta.
Dadka ku barakacay deegaanada Maamulka Puntland waxaa saamayn ku yeeshay howlgalada Raafka ah oo ay Ciidamada ka wadaan Magaalooyinka Puntland, waxayna shegeen qof kasta oo ka soo jeeda Koonfurta ama aan u dhalan Puntland inay ka musaafurinayaan deegaanadooda.
Ugu danbeyntii lama oga haddii maamulka Puntland dadka u dhashay Koonfurta ka xaalufiyaan deegaanadooda inay amaanka ka soo hagaagayso sida ay ha tahay, iyo in ay ka sii darayso, laakiin waxaa la rumaysan yahay xitaa haddii dadka ka soo jeeda Koonfurta laga soo barakiciyo Puntland waxba iska badalayn dhanka Amaanka.
Xafiiska bargaan.com ee Magaalada Muqdisho.
contactbargaan@yahoo.ca

|