Dagaalo iyo duqeymo wali si xariir ah uga socda Magaalada Muqdisho.
Muqdisho.BM.Magaalada Muqdisho waxaa wali si xariir ah uga socda duqeymo joogto ah oo dad badan sababay in ay ku dhibtaan kuwo kale oo fara badana ku dhaawacmaan Caasimada Magaalada Muqdisho.
Degmooyinka Boondheere, Shibis iyo C/casiis ayaa ugu daran meelaha sida daran madaafiicda ugu dhacayaan, waxayna sababeen madaafiicda iyo dagaalada wali ka socda Magaalada Muqdisho in ay barakacaan qoysas fara badan oo muddooyinka isku celinayay in ay ku nagaadaan degmooyinka Gobolka Banaadir.
Dowladda KMG iyo Alshabaab oo dagaalada dhowr jer ka hadleen waxay kala sheegteen guulo, laakiin ma jirto koox wax iska weydiisay xasuuqa dadka shacabka ah ka soo gaara madaafiicda iyo dagaalada joogtada ah ee wali ka socda Caasimada Magaalada Muqdisho.
Ugu danbeyntii Magaalada Muqdisho ayaa ku jirta jawi jahwareer iyo dagaalo aan kala sooc lahayn oo u dhaxeeya Alshabaab iyo Dowladda KMG oo taageero ka helaysa Ciidamada Shisheeye ee jooga Muqdisho.
Xafiiska bargaan.com ee Magaalada Muqdisho.
contactbargaan@yahoo.ca

|