Maamulka Xizbul Islaam oo kormeer ku sameeyey Deegaano ka tirsan Gobolka Sh/hoose.
Muqdisho.BM.Madax ka tirsan Ururka Xizbul ayaa howlo kormeer ah ku tagay deegaano ka tirsan Gobolka Sh/hoose oo maamulka ururkaasi ka jiro.
Afhayeen lagu magacaabo Sheekh Cali Cumar Xaaji oo ka hadlay socdaalka kormeerka wafdigaasi ayaa sheegay in uu ahaa mid ah ku ogaanayaan xaaladaha deegaanada Gobolka Sh/hoose oo ay kaga sugan yihiin Xizbul islaam.
Waxa uu shegay in ay aad u wanaagsan tahay xaaladaha Amaan deegaanada Gobolka sh/hoose ay kaga sugan yihiin Ururka Xizbul islaam.
Kormeerka Maamulka Ururka Xizbul islaam ku sameeyeen deegaanada Gobolka Sh/hoose waxa uu qeyb ka yahay howlo kormeer ah oo ay madaxda ururka Xizbul Islaam ka samaynayaan deegaanada ay kaga sugan yihiin Sh/hoose iyo duleedka Muqdisho oo maamulkaasi baaqi ku ah gacantooda.
Xafiiska bargaan.com ee Magaalada Muqdisho.
contactbargaan@yahoo.ca

|