Dagamada hodon iyo degmooyinka waqooyiga Muqdisho oo dagan.
Muqdisho.BM.Xaalado daganaasho ah ayaa saaka ka jirto degmooyinka Hodon iyo Waqooyiga Magaalada muqdisho oo xalay duqeymo la dhaceen Ciidamada AMISOM iyo dowladda KMG ee Soomaaliya.
Isku socodka gaadiidka wadada Dabka ee Magaalada Muqdisho ayaa caadi ah, kadib saamayn shalay gelinkii danbe ku yeesheen dagaalo dhex maray dowladda KMG iyo xizbul Islaam.
Degmooyinka Waqooyiga Magaalada Muqdisho oo todobaad ka badan dagaalo iyo duqeymo xariir ah ka socdaan ayaa xalay madaafiic lagu garaacay waxaa ka dhashay qasaare kala duwan oo rayid ah.
Dadka deegaanka ayaa saaka sheegay xaalada in ay tahay mid yara dagan, dadkuse ay dareemayaan cabsi dagaalo iyo duqeymo ka dhaca degmooyinka gobolka Banaadir isku horfadhiyaan dowladda KMG iyo Ciidamada AMISOM oo isku dhinac ah iyo Alshabaab iyo Xizbul Islaam oo isku saf ah.
Xafiiska bargaan.com ee Magaalada Muqdisho.
contactbargaan@yahoo.ca

|