BARGAAN

Bargaan.Mar walba.Meel kasta
 

 

 Deegaanada Puntland oo laga mamnuucay inay soo galaan dad ka soo jeeda Koonfurta Soomaaliya.

Muqdisho.BM.Madaxweynaha maamulka isku magacaabay Puntland  C/raxmaan Faroole ayaa war qoraal ah oo ka soo baxay xafiiskiisa Magaalada Garoowe ee Maamulkaasu uga digay wadayaasha gaadiidka Xamuulka iyo BL-ka in ay soo qaadaan dad ka soo jeeda koonfurta Soomaaliya.

Wadayaasha gaadiidka waxaa la amray sidoo kale in aysan mari karin wadooyin qarda jeex ah isla markaana ay mari karaan oo kaliya wadooyinka waa wayn ee Koontaroolada ciidamada leh, haddii ay dhacdo gaari si dhuumaalaysi ah ku mara wadooyinkaasi ay qabtaan Ciidamada Amaanka maamulka la wareegi doono gebi ahaan gaadiidkaasi.

Dadka ka soo jeeda koonfurta oo laga Raafay Puntland ayaa haddana maamulka amar dul dhigay wadayaasha gaadiidka in aysan qaadi karin dad u dhashay Koonfurta Soomaaliya.

Ugu danbeyntii Faroole ayaa u tafaxaytay midab sooc midkii ugu xumaa abid maamulkaasi kula dhaqmaan dadka ka soo jeeda Koonfurta Soomaaliya oo aan shaqo ku lahayn amaan darida Puntland, in kastoo maamulka ku eedeeyaan dadka koonfurta  in ay fidno ku yihiin nabad geliyada Puntland.

Xafiiska bargaan.com ee Magaalada Muqdisho.

contactbargaan@yahoo.ca

- - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.