BARGAAN

Bargaan.Mar walba.Meel kasta
 

 

Dowladaha Afrika oo isku raacay Soomaaliya la geeyo Ciidamo cusub iyo dalal ka mid ah yurub oo taageeray.

Muqdisho.BM.Madaxweynayaasha dalalka Afrika ayaa isku raacay dhammaantood in soomaaliya loo diro ciidamo cusub oo dheeraad ah isla markaana dalalka hadda Ciidamada ka joogaan Soomaaliya ciidamo ku kordhin karaan tirada askarta ka joogto.

Ilaa 4 kun Ciidamo dheeraad ah oo ka socda dalal kala duwan ayaa la ansixiyey in  ay ciidamo u dirayaan Dalka Soomaaliya kadib shir madaxeedkii Afrika magaalada kampala ee dalka ugandha.

Dalal badan oo midowga Yurub ah ayaa soo dhaweeyeen go’aankaasi ah in Afrika ciidamo dheeraad ah u diraan dalka Soomaaliya, kuna biiraan howlgalada AMISOM ciidamo ka socda dalal kale oo afrikaan ah.

Dowladda Faransiiska oo si aad ah u danaysa arrimaha dalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay taageerayso dadaalada madaxda Afrika ugu jiraan in ay wax ka qabtaan Arrimaha Dalka Soomaaliya, ciidamada la geynayana taageero caalami ah siinayso, in kastoo dowladda Faransa aysan shaacin waxyaabaha ay ku taageerayso ciidamada cusub ee loo soo dirayo Dalka Soomaaliya.

Xafiiska bargaan.com ee Magaalada Muqdisho.

contactbargaan@yahoo.ca

- - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.